Thursday, July 3, 2025

Golaha Ammaanka oo muddo cusub u kordhiyay howlgalka AMISOM iyo UNPOS ee Soomaaliya

Golaha Amaanka Q/Midoobay ayaa kulan uu xalay ka yeeshay arrimaha Soomaaliya wuxuu ka soo saaray qaraar  waqti dheeraad ah loogu kordhinay ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

UNSC

Qaraarka waxaa wadajir ugu codeeyay guud ahaan 15 dal e xubnaha ka ah Golaha Ammaanka iyadoo Xoghayaha guud ee Q/Midoobay uu golaha u sheegay inaan weli Soomaaliya la geyn karin ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Waqtiga loo kordhiyay Howlgalka UNSOM ee Soomaaliya  ay 10 bilood iyadoo hadda howlgalkoodu ku eg yahay dhamaadka bisha May 30 sanadka 2016-ka.

Qaramada Midoobay ayaa muddo dhowr sano ah ka warwareegeysa inay ciidamo ka socda Soomaaliya u soo diro si ay u bedelaan kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga, waxaana kaliya oo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho jooga 200 askari oo magaca UN-ka ku howlgala oo qaabilsan ilaalada xarunta UN-ka ee Muqdisho.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON