Saturday, July 5, 2025

Golaha Ammaanka oo sii kordhiyay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sii kordhiyay cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya iyo Eretria, iyadoo sii socon doonta kadib markii lagu soo rogay sanadkii 2009-kii.

UNSC

Kulan ay Golaha ammaanka ka yeesheen arrintan ayaa lagu sheegay in qatarta Al-shabaab ay tahay mid taagan Al-shabaabna ay dhibaato ku tahay nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya iyo weli gobolka.

Goluha Ammaanka ayaa cunaqabateynta ka reebay  hubka fudud ee Soomaaliya ay hesho iyo weliba tababarada la siiyo ciidamada dowlada federaalka ee Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka. Waxayna cunaqabateyna socon doontaa  ilaa bisha November 2016.

Golaha ammaanku waxay welwel ka muujiyeen caqabadaha ku horgudban sidii gargaarka bini’aadannimo uu u gaari lahaa Soomaaliya goluhu wuxuu si adag u cambaareeyey cid kasta ee hortaagan gargaarka bini’aadanimo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay kaloo ka hadleen xanibaada saaran dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaaliyaiyagoo  soo dhaweeyay dadaalka lagu doonayo in looga hortago keenista iyo dhoofinta dhuxusha oo ah Il ay dhaqaale ku heli karaan Al-shabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON