Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waqtiga u kordhin u sameeyay xafiiska siyaasadda UN-ka ee ka howlgala Soomaaliya, loona yaqaan UNSOM.
Guud ahaan xubnaha 15 dal ahee golaha amaanka ayaa ansixiyay qaraar waqti kordhin ah oo loo sameeyay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, waxaana xilliga la gaarsiiyay illaa iyo bisha March 31, 2017.
Go’aanka ay gaareen Xubnaah Golaha ammaanka ayaa lagu sheegay in xafiiska UNSOM ee Soomaaliya gacan ka geysan doono diyaarinta doorashooyin ka dhaca Soomaaliya aakhirka sanadkan iyo doorashooyin xor ah oo dalkaasi la gaarsiiyo 2020-ka.
Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wax ka bedel lagu sameeyay sanadkii hore, waxayna Q/Midoobay diidan tahay inay ilaa hadda ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya.
Xafiiska ayaa loo tilmaamay inuu bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed la shaqeeyo, isla markaana hubiyo in si cadaalad ah ay u dhacdo xaaladda kala guurka ah ee dalka Soomaaliya galayo aakhirka sanadkan oo ay ku eg tahay jiritaanka dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Goobjooge.com