Saturday, July 12, 2025

Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo war ka soo saaray weerarkii Hotel Saxafi

UNSC

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa cambaareeyey weerarkii  kooxda Al-Shabaab ay shalay Axaddii ku qaadeen hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay in ka badan 15 qof oo ay ku jiraan taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Jeneraal Cabdikarin Dhego-badan, Xildhibaan Abtidoob iyo milkiilihii hotel-ka Cabdirashiid Shire Ilqeyte.

Golaha waxa uu amaanay jawaabtii ay ciidamada Soomaaliya ka bixiyeen weerarka, kuwaas oo dilay dhammaan xubnihii weerarka soo qaaday. Golaha Ammaanka waxa uu tilmaamay in argagaxisada nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay leedahay ay tahay halista ugu weyn ee nabadda dunida ay wajaheyso.

“Xubnaha golaha ammaanka waxa ay ku celinayaan inay ka go’an tahay taageerada ay siinayaan u gudubka Soomaaliya ee nabad iyo xasillooni ballaaran. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in weerarkan iyo mid la mid ahba uusan wiiqi dooni go’aankaas” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay golaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON