Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Hindise Sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada oo muddo dheer dib u dhacayey.
Akhrinta 3-aad ayaa waxa ka hadlay xildhibaanno ku doodaya in qodobo ay soo jeediyeen aan lagu darin, balse waxaa markii danbe loo qaaday cod, iyadoo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay natiijada codeynta
133 xildhibaan ayaa ogolaatay Sharciga La-dagaalanka Argagxisada, waxaa diiday 3, waxaana ka aamusay 7, iyadoo tirada guud ee xildhibaannada xaadiray kulankii maanta ay ahayda 143 xildhibaan.
Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa mahadcelin degdega u diray Golaha Shacabka, isagoo ku bogaadiyana ansixinta sharcigan oo hadda u gudbaya Aqalka Sare.
.