Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Hay’adda Nabadsugidda iyo Siridonka Soomaaliyeed ee NISA.
Xeerkan oo dood culus dhaliyay ayaa guddoomiye ku xigeenka labaad C/llaahi Abshirow oo shirka guddoominayay uu sheegay in akhrinta saddexaad aysan wax dood ah ka furneyn, iyadoo cod loo qaaday.
Waxaa Sharciga NISA ogolaaday 144 xildhibaan oo u codeeyay inuu meel maro, halka 3 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana diiday hal xildhibaan oo qura.
Xeerka NISA ayaa hadda u gudbaya Aqalka Sare oo isna ka doodi doona, waxaana xildhibaanno badan ay sheegeen inaan waxba laga bedelin qodobo badan oo ay soo jeediyeen in la saxo.
Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay ansixinta Xeerka NISA, inkastoo Aqalka Sare u harsan yahay inay ansixiyaan.
