Friday, July 18, 2025

Golaha Wasiirada oo magacaabay Haweeney xubin ka noqoneya Guddiga Dastuurka [Akhriso]

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyay xubin cusub oo ku soo biireysa Guddiga Dastuurka Madaxa banaan ee Soomaaliya.

Guddigan oo xubin ka tirsaneyd ay xilka banneysay ayaa wasaaradda Dastuurka ay soo jeediyay in booskaasi loo magacaabo Marwo Muumina Sheekh Cumar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey in Muumina Sheekh Cumar ay xubin ka noqoto Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka. Wasiirka Dastuurka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii booska bannaanaaday ay u buuxin laheyd qof  dumar ah, taasoo ay olole ugu jirtay beesha caalamka.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa guul ku tilmaamay inay qof dumar ah ku soo dareen Guddigan, iisagoo baraha bulshada soo dhigay farriin ku saabsan guusha weyn ee wasaaradiisu gaartay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON