Golaha Wasiirada Somalia oo maanta ansixinaya magacaabidda Safiiro cusub [Akhriso dalalka safiir la’aanta ah]

0

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu ansixiyo maanta safiiro dhowr ah oo la magacabaay.

Safiirada ayaa la sheegay inay gaarayaan ku dhowaad 10 safiir, oo lagu buuxin doono xilal danjirenimo oo bannaan in muddo ah, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xilkii ka qaaday ilaa 11 safiir oo dalal muhiim ah u fadhiya Soomaaliya.

Magacaabidda safiirada ayaa muddooyinkii danbe noqotay mid aan laga warheynin oo madaxweynaha ku kooban, waxaana hore loo magacabaay safiirada Q/Midoobay, Turkiga, iyo dalal kale oo loo magacaabay shaqsiyaad ku dhow madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dalalka safiir la’aanta ah waxaa ka mida: Kenya, Qatar, Uganda, Jabuuti, Mareykanka, UK, UAE, Shiinaha, Kuweyt, Zambia iyo dalal kale.