Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan aan caadi ahayn oo ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku ansixiyey (9) xubnood oo wasaaradda caddaaladdu ay u soo xushay inay kamid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa.
Guddigan ayaa la sheegay inuu si degdeg u dalbaday madaxweyne Farmaajo in la meel mariyo si loola tacaalo xaaladaaha musuqa ee hareeyay hay’adaha Dowladda Federalka, waxaana dood sharci ah muddo ka taagneyd sida xukuumad xil-gaarsiin ah ay guddiyo waaweyn u magacaabi karto.
Xubnaha guddigaLa-dagaaanka Musuqmaasuqa ee la magacaabay ayaa kalaa ah:
1- Mudane Maxamed Cabdikariim Ibraahim
2- Avv. Cabdiweli Axmed Cumar
3- Dr. Xasan Khaliif Xasan
4- Avv. Maxamed Xuseen Xaamud
5- Avv. Saciido Maxamed Xaashi
6- Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan
7- Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar
8- Mudane Khadar Axmed Diiriye
9- iyo Saamiya Siciid Xuseen.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sanad ka hor 21/09/2019 saxiixay sharciga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa iyadoo aa la ogeyn sababta mudaddaasi loo dhisi waayey ee xilligan kala guurka ah loogu soo beegay.
