Golayaasha Somaliland ee wakiilada iyo Guurtida ayaa meel mariyey qorshe muddo murankiisu socday oo dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhig ciidan ku yeelaneyso magaalada Berbera.
Buuq iyo muran ayaa hareeyay fadhigii labada gole ee maanta ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaana xaaladaasi ka dhashay xubnihii ka soo horjeeday qorshaha dawladda in xoog looga saaro saaray gudaha Baarlamaanka iyadoo jirdil loo geystay laba xildhibaan.
Meel marinta saldhiga Imaaraadka laga siiyay Berbera waxaa cambaareeyey kuna gacan seyray diiday guddoomiyaha Barlamaanka ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaraadka ee waddani C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro).
Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in lix xildhibaan la dhaawacay, saddex kalena la xiray wixii meesha ka dhacayna ay ahaayeen sharci darro. ilaalada Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu eedeeyay inay jirdileen laba kamid xildhibaanada.
Meel marinta heshiiska ayaa la sheegay in inay ogolaadeen 144 mudane, waxaa diiday hal xildhibaan, iyadoo shan kale ay ka aamuseen.
Madaxweynaga Somaliland ayaa Baarlamaanka Somaliland saaka u tegay inuu u ololeeyo ansixinta heshiiskan oo khilaaf weyn ka dhex dhaliyay xisbiyada iyo dadka Somaliland, isagoo markii danbe ka tegay goobta.
DAAWO MURANKA IYO GACAN KA HADALKA
Goobjooge.com