Idaacadda Goobjoog FM ayaa shaacisay in saddex ka mida shaqaalaha Idaacadaasi oo ilaalo ka ahaa gaari uu leeyahay Maamulka Idaacadda ay ku dhinteen weerarkii Hotel Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho.
Maamulka Goobjoog FM ayaa sheegay in la helay meydad ay ku jiraan sadexda ka mid ahaa shaqaalaha Goobjoog oo ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Hotelkam waxayna magacyadooda ku sheegeen:
- Gaani Axmed Cabdulle
- Maxame Nuur Daahir
- iyo Sahal Ibraahim Faarax.
Goobjooge.com