Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xabsi ugu hanjabay Dadka Garsoorka u doonta Alshabaab

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inay la xiray dad Garsoor u doontay kooxda Alshabaab, isagoo u digay dadka isku Alshabaab u aada cadaaladda.

Isagoo ka hadlayey xaflad ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu u digay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare  Dadka u doonta Shabaab garsoorka oo uu sheegay inay u badan yihiin dadka dhulka laga xukumo ee maxkamadaha dowlada Soomaaliya ay caddeeyaan inay dokumentiyo been ah sitaan.

Wuxuu sheegay inay dadkaasi xabsi ku muteysan doonaan aadista cadaaladda Alshabaab, wuxuuna caddeeyay inay maxkamada soo taagi doonaan dadkii lagu helo inay Shabaab cadaalad ay u doonteen.

“Waxaa jira dad aan ognahay oo maxkamaddaha ay dacwado ka yaalaan, oo dacwadahaasi looga guuleystay oo Documentiyada ay sitaan been ay yihiin, dabadeedna si ay cadaaladda u hor istaagaan u taga cadowga dalka, markaa waxaan doonaynaa in aan Shacabka u sheegno in aanan u dulqaadaneyn iyadoo Garsoor Cadaalad ah dalka laga heli karo in cadowga u tagaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON