Wednesday, June 25, 2025

Guddi Culimo ah oo go’aan culus ku riday Dhalinyaradii kufsiga ka geysatay Goldogob

Guddi culimo ah iyo maxkamada degmada Galdogob oo loo saaray arrinta kiiska kufsiga ee ka dhacay degmadaasi ayaa xukun culus ka gaaray kiiskaasi.

Xukunka lagu riday dhalinyaro da’ yar oo falkan geystay ayaa isugu jira karbaash jeydal ah oo mid kasta lagu dhufanayo 100, iyo magdhow, iyadoo lagu riday xukunka shareecada Islaamka.

Go’aanka ay kiiskan ka gaareen culimada degaanka ee loo saaray ayaan weli rasmi ahayn, Waxaan la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo, iyadoo laga sugayo degmada ciidamo katirsan Puntland guddiga ay ugu yeereen inay kala wareegaan ammaanka maxaabiista iyo fulinta xukunka.

Dadka degaanka iyo maamulka degmada ayaa diiday qorshe maamulka Puntland ku doonayay in fulinta kiiska iyo maxkamadeynta loo wareego magaalada Gaalkacyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON