Monday, June 23, 2025

Guddiga Aasan Qaran ee Jen. Samatar oo shiray & Amarro uu bixiyay Kusimaha Madaxweynaha

Muqdisho, August 23, 2016 (Villa Somalia)—–Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,vahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in hawlaha qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo General Samantar ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo saddex cisho ah oo caawa ka bilaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna sharfayo marxuumka.

Aaska-Jen-SamatarS/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Difaaca ka soo noqdey xukuumaddii militariga Soomaaliya ayaa dhowaan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhowaan aas qaran loogu sameeyo dalkiisa hooyo.

Ad

DHAMMAAD ——————————-
Afhayeenka Madaxtooyada

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON