Friday, June 27, 2025

Guddiga Abaaraha oo ku dhawaaqay Lacago csuub oo loo qeybinayo Maamul Goboleedyada

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa maanta ku dhawaaqay lacago qeybtii saddexaad ah oo loo qeybinayo maamul Goboleedyada dalka.

Shir jaraa’id oo uu Guddigu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamul Goboleed waliba ay gaarsiin doonaan lacag gaareysa $200,000 Dollar.

Maamulada lacagta loo qeybinayo ayaa kala ah:

G/Banaadir:            $200,000

Puntland:                $200,000

Jubbaland:              $200,000

Somaliland:             $200,000

K/Galbeed:             $200,000

Galmudug:              $200,000

Hirshabeelle:           $200,000

Lacagtan oo loogu talogalay abaaraha dalka ka jira ayaa laga soo ururiyay dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay tahay markii saddexaad ee lacago noocan ah la gaarsiiyo maamulada dalka.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa maamulada uga digay inay lacagtaasi ku takri falaan, wuxuuna caddeeyay inuu jiri dooni xisaabtan adag.

Degmooyin dhowr ah ayaa laga soo weriyay in lacagihii loo dhiibay ay musuqmaasuqeen, waxaana marar badan oo noqnoqday cabasho ku saabsan lunsiga lacagahan oo loo gacan geliyo maamulo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON