Sunday, July 13, 2025

Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka oo ku dhegan Wasiir Hadliye [Dhageyso Prof. Dalxa]

Guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn u dhaliilay qaabka loo magacaabo safiirada dalalka dibadda iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda lagu eedeeyay inaysan waxba kala socodsiin heshiisyada dowladdu la gasho dalalka iyo hay’adaha kale.

Guddoomiyaha Guddiga Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo shir jaraa’id  ku qabtay Muqdisho kadib shir ay yeesheen Guddiga ayaa si weyn uga hadlay xaalad sharaf dhac ah oo safiirada Soomaaliyeed ku sugan yihiin, wuxuuna si cad u sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay noqotay goob  aan wax qorshe ah lahayn oo wasiir kasta dad uu isagu wado la yimaado.

Prof. Dalxa wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaabka safiirada is dul saaran uga shaqeeyaan dalalka dibadda, magac xumida heysta  maqaamkii diblomaasiyadeed ee Soomaalida iyo jaantaa roganta saraakiil safaarado kala duwan loogu meeleeyay, taasoo ay eedeeda leedahay Wasaarada arrimaha dibadda oo aan waxba la wadaagin guddigooda.

HADALKA XILDHIBAAN DALXA OO XIISO LEH KA DHAGEYSO HALKAN

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON