
Guiddiga cunaqabteynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixintoodii ugu danbeysay ee ay kasoo saareen Soomaaliya Bishan Octoobar oo lagu shaaciyay website-ka UN-ka (HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA) waxay uga hadleen arrimo fara badan oo ay k mid yihiin:
- Amniga
- Burcad Badeedka
- Ddhoofinta Dhuxusha
- Musuqmaasuqa dalka
- iyo Argagaxisada.
Warbixinta oo ka kooban 400-bog ayaa waxay guddigu ku caabeeyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen inuu u kala qeybsan yahay laba garab; oo mid raacsan yahay Dam Jadiid iyo garabka kale oo taabacsan kooxda Aala-Sheekh, mar walibana ay guushu raacdo kooxdii lacagta ugu badan bixisa.
Kooxdan waxay markan diirada saartay safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay magaalada Nairobi Maxamed Cali Nuur (America) waxayna warbixinta ku sheegen in khalad dhinaca xisaabaadka ah uu ka dhacay safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya xilligii uu maamulayay Danjire Cali Ameerica, waxaana intii u dhexeysay Janaayo 2014 – April 2015, safaaradu soo xereysay 960,836 oo doollar oo laga qaaday 7,500 oo ah Somali baasaboorro loo sameeyay, isla waqtigaas waxaa Bangiga Dhexe ee Somalia ku dhacday 486,258 oo doollar, halka 474.578 oo doollar oo kale aan la ogeyn halka ay martay oo dusha laga saaray safiirka.
Warbixinta guddiga ayaa lagu caddeyay in 10-maalmood ka hor intii uusan xafiiska wareejin Danjire Cali Ameerika uu keenay farsamo-yaqaano dhinaca kombiyuutarrada ah, kuwaasoo tirtiray dhammaan keydadkii kombiyuutarrada safaarada ku jiray, si aan tix-raac dambe loogu sameyn.
Goobjooge.com