Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Baarlamaanka KMG ah ee Jubba ay diideen codsi uga yimid hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe ee ahaa in la kordhiyo waqtiga loo qabtay doorashada Madaxweynaha Jubba oo dhaceysa 15-ka bishan Ogost.
Fadhi ay maanta yeesheen baarlamaankaasi ayaa looga dooday arrinta doorashada waxayna magacaabeen guddi ka kooban 8 xunbood ee qaabilsan doorashad madaxweynaha iyadoo midkood ay tahay haween. Guddigaas ayaa loo xil saaray inay qabanqaabiyaan doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
Baarlamaanka Jubba ayaa isku raacay una codeeyay inaan dib loo dhigeynin xilliga hore loogu qabtay ee 15-ka Ogost, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba Sheekh Cabdi Yuusuf. Arrintan oo dhinac looga arko in la diiday codsigii Axmed Madoobe ayaa dhinaca noqoneysa mid fursad u ah musharaxa kaliya ee jagadan oo ah Axmed Madoobe.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]