Monday, July 14, 2025

Guddiga Doorashada oo shaaciyey Doorashada Saddex kursi oo ka bannaan Baarlamaanka [Akhriso Magacyada]

Guddiga Doorashada Qaranka ayaa shaaciyey in dhowaan la soo buuxinayo kuraas ka bannaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay socoto qabanqaabada lagu dooranayo xildhibaannadii buuxin lahaa kuraastaasi.

Guddoomiyaha Guddiga  Madaxbanaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in dhowaan lasoo dhameystirayo kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliyeedoo gaareysa saddexda Kursi, iyadoo doorashada kuraastaasi ay ay ka kala dhacayaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhaba.

Laba kursi oo ka mida kuraastaasi waxaa doorashadooda lagu qabanayaa magaalada Baydhaba, waxaana banneeyay Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka  Xuseen Cismaan Xuseen iyo kursi uu ak geeriyooday Xildhibaan Khaliif Cabbdullaahi.

Kursiga kale ee doorashadiisu ka dhaceyso magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamed, waxaana dadka  kursigaas u tartamaya ka mid ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Cabdullahi Gaafow Maxamuud oo walaalkiis ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON