Wednesday, June 25, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo Nairobi ku soo dejiyay qorshe howleedka ay ku howlgeli doonaan

Gudiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa  magaalada Nairobi loogu soo gabagaboobay tababar howleed u socday mudo afar maalmood ah oo ay uga doodayeen qorshayaasha hor yaala guddiga iyo shaqada laga sugayo.

Tababarkan loo qabtay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa fududeeyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM. Xiritaankii tababarkan waxaa ka qeybgalay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan, xubno matalayay wadamada deeq bixiyaasha iyo qaar ka mid ah diplomaasiyiinta reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Guddoomiyaha Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay labadii maalin ee ugu horeysay tababarka lagu barayay gudiga sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen iyo sidii ay uga xalin lahaayeen caqabadaha soo wajaho. waxay intaas ku dartay in labadii maalin ee kale guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay isla meel dhigayeen qorshaha guddiga oo ah sidii dalka Soomaaliya ay mustaqbalka u gaarsiin lahaayeen doorashooyin xor iyo xaq ku dhaca. waxay kaloo guddigu sameeyeen qorsh howleedkooda muddo 3 bilood ah.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka u soo xiray tababarkan isagoo kula dardaarmay in ay si taxadir leh u wajahaan shaqada adag ee hor taala.

Gudi2

Gudi3

Gudi4

Gudi5

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON