Monday, July 14, 2025

Guddiga Dowladda Soomaaliya oo gaaray Degaanka Bariire, Gobolka Sh/Hoose

Guddigii Dowlada Soomaaliya u xilsaartay inay baaraan Dhacdadii Bariire ayaa maanta gaaray deegaankaasi.

Wasiirka amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo hoggaaminaya gudigan ayaa  goobtii uu weerarku ka dhacay u diray saraakiil baarayaaal ah oo soo hubiya wixii dhacay.

Saraakiisha dembi baarayaasha ah ayaa warbixin ku soo celin doona Gudiga dowladda u xil saartay dhacdadii Jimcihii ka dhacday Deegaanka Bariire, waxayna wareysiyo la yeelan doonaan dadka deegaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda.

“Ujeedada gudiga waa in ay ka keenaan xog dhab ah dhacdadii deegaanka ka dhacday, waxay la soo kulmi doonaan dadka deegaanka si ay u soo ogaadaan sida wax u dhaceen, sababta naloo xilsaaray waa inaan keenaa xaqiiqda”

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddigan magacawday 26-da bishaan, waxaana loo qabtay mudo shan maalmood inay ku soo ogaadaan sida wax u dhaceen, waxaana u haray sedex maalin oo maanta ay ku jirto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON