Sunday, July 13, 2025

Guddiga Gurmadka oo shaaciyay Tiro cusub oo ku dhimatay Qarixii Soope & Lacagta la helay [Akhriso]

Guddiga Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Qarixii Soope ee 14-ka Oktoobar 2017 ayaa shaaciyay tiro cusub oo ku saabsan dadkii ku dhintay qaraxa iyo kuwii ku dhaawacmay

Guddiga oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay halka mareyso howshooda iyo waxyaabihii ay la kulmeen intii ay gurmadka ku dhex jireen, waxayna soo bandhigeen tirada dadkii ku waxyeeloobay qarixii Soope oo lagu hoobtay.

Guddoomiyaha Guddiga C/llaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in tirada dhimashada Qarixii Soope ay gaartay 512 qof, halka dhaawaca uu yahay 295 qof, iyadoo isku dartooda uu gaarayo 807 qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa hor u shaacisay (642) 414 qof oo isugu jira dadkii ku dhintay qaraxa iyo kuwii la waayay iyo dhaawaca 228, halka Dhalintii Gurmadka ay hayeen 761 qof.

Lacagta soo gashay Guddiga ee deeq ahaanta loo helay ayaa gaareysa 3.802 847.43 doolaroo ah lacag ku dhow 4 milyan oo doolar, iyadoo la qeybiyay  lacag gaaraysa 1,374,441.57.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON