Guddiga Gurmad Qaran ee Soomaalida Kenya oo lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ay saaka soo gaareen.
Guddiga waxaa hoggaaminayo Sheekh Cabdi Umal oo ka mida Culimada waaweyn ee Soomaalida Kenya, madaxna ka ah guddiga gurmadka ee loo saaray ololaha taakuleynta dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Soope.
Waxaa Garoonka uga hortegay Guddoomiye ku xigeenka G/banaadir, xubnaha Guddiga Gurmadka Qaran iyo mas’uuliyiin kale.
Guddiga Gurmadka Kenya ayaa ururiyay lacag ka badan Rubuc Milyan Doolar oo loogu talogalay dadka ku waxyeeloobay qarixii Soope ee 14-kii Oktoobar`2017.
SAWIRRO