Thursday, April 18, 2024

Guddiga Qaxootiga oo dacwad ka keenay laba mas’uul oo ku fadeexoobay Markabka Nawaal 3

Guddiga Badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee uu hogaamiyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa dacwad ka geeyay laba mas’uul oo dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaa arrimaha qaxootiga kadib markii laga reebay markabka Nawaal 3 ee uu ku deeqay ganacsade Soomaaliyeed iyadoo ay dhowaan soo shaac baxday inay labadan mas’uul ku lug yeeshaan fadeexad ay lacag uga qaateen dadkii qaxootiga ahaa ee Yeman laga soo qaaday.

Sudani-Asiis

Gudoomiyaha guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa xaqiijiyay inay jiraan shaqsiyaad carqalad ku haya howshii gurmadka ahayd ee loo waday Soomaalida ku sugan dalka Yemen. wuxuuna si cad u sheegay inuu ka mid yahay Qunsulka Soomaaliya u fadhiyay Magaalada Cadan Cabdi Xasan Axmed (Suudaani).

Ad

Sheekha ayaa sheegay inuu ninkan iyo shaqsiyaad kale Markabka  ku abuureen khalkhal islamarkaana, iyagoo la xiriiray dalka Yemen  kana fidiyay dayaacado Markabka Nawaal 3 waxayna olole u galeen inaan wax dad ah la saarin,  maadaama uu yahay markab halis ah oo dadkii hore loogu soo qaaday in badan oo kamida ku dhinteen.

Sheekh Nuur Baaruud wuxuu sheegay in  hadalkaas laga faafiyay markanka ay dhibaato weyn ay ka mareen guddigooda sidii ay ku beenin lahaayeen, ayna qoreen warqado ay xaqiiqda Markabka ku caddeynayaan. Sheekh Nuur wuxuu xaqiijiyay in Qunsulka iyo mas’uulka kale oo xafiiska ra’iisal wasaaraha ka socday laga reebay Markabka laakiin ay Muqdisho ka wadaan dacaayad, wuxuuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay raggan wax ka qabato wuxuuna ku eedeeyay inay dhaawac weyn gaarsiiyeen howshii ay umadda u hayeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u saartay baaritaanka arrintan iyadoo aan weli wax tallaabo ah ka qaadin labada nin ee fadeexadan ku lugta yeeshay oo kala ah:

- Advertisement -

1. Qunsulka Cadan u jooga dowlada Soomaaliya ninka lagu magacaabo Cabdi Xasan Axmed (Suudaani)

2. Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynha iyoo Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdicasiis Yuusuf

 

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON