Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey u qaabislan dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea soo saareeen ayaanu ku dhex jirtay, haddana waxaan qormadan ku eegeynaa eedo guddigu u jeediyay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamad Cali (Gaas) oo la sheegay inuu ku fashilmay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu is moodsiiyay musuqmaasuq ka jira Sharciyada kaluumeysiga ee maamulkiisu siiyo shirkado kaluumeysato kala duwan oo anjabi ah.
Guddiga wuxuu warbixintiisa ku sheegay in amaanka degaanada Puntland uu sii xumaaday iyadoo ay hareysay dhibaatooyinka ka jira mushahar la’aanta heysata ciidamada maamulkaasi. Waxaana lagu xusay in xil ka qaadis Gaas ku sameeyay bishii Febraayo 2015 saraakiil ka tirsan ciidamadaoo uu ka mid yahay madaxii ciidamada sirdoonka Puntland ay abuurtay khalkhal ku yimid xiriirka Gas iyo ciidamda.
Madaxda Puntland iyo kuwa dowladda Federaalka ayay warbixintu ku eedeysay inay ku lug leeyihiin lacago laga qaato shirkado shisheeye oo kaluumeysi oo laga iibiyo shatiyo loo siiyo inay Badda Soomaaliya ka kaluumeystaan, taasoo xoojisay kaluumeysiga sharci darrada.
Warbixintu waxay sheegtay in koox dalaaliin ah oo ku sugan Imaaradka Carabta, Dubai ay qaabilsan yihiin in maraakiibta ku jirta kaluumeysiga sharci darrada ee Soomaaliya ay ka qaataan. Maraakiibta Iiraan ayaa ah kuwa ugu badan ee ruqsada kalluumeysiga sharci darro ay Puntland ruqsada u siiso, iyadoo nin adeegsata nin magaciisa Guddiga ku soo koobay Cabdulqaadir.
Puntland ayaan ka jawaabin su’aaloay weydiiyeen kormeerayaasha Guddiga oo la xiriiray markiib la siiyey ruqsado kaluumeysi. Mamaulka Puntland wuxuu ruqsad ay ku shaqeeyaan siisey Bishii March 2015 shirkad la yirahado Somali Security Service Ltd (SSS Ltd), oo uu leeyahay Cabdiweli Cali Taar oo Guddiga Q/Midoobay ku tilmaameen inuu darawal Taxi ka haan jirey dalka Canada ay qaraabo yihiin madaxweyne C/weli Maxamad Cali (Gaas), Waxaana la siiyay ninkan ruqsad uu ku ilaaliyo xeebaha Puntland. Waxay kaloo Guddigu sheegeen in Cabdiweli Cali Taar ku lug leeyahay musuqmaasuq la xiriira iibinta fasaxyada kaluumeysiga oo sharci darrada ah ee Putnland. wuxuuna lahaan jiray shirkad kacday oo la oran jirey SomCan sanadihii 2000.
Warbixinta Gudidga Q/MIdoobay waxay Golaha ammaanka u jeedisay in hakad la geliyo heshiiyada shidaalka ee maamulada kala duwan ee Soomaalia iyo dowlada Federaalka siinayaan shirkadaha shisheeye inta laga helayo sharci lagu qeybiyo khayraadka dalka Soomaaliya.
Goobjooge.com