Guddiga Qaranka ee shaqaalaha Rayidka dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray wargelin iyo digniin ku socota shaqaalaha rayidka Dowladda Soomaaliya ee isu sharxay xilalka heer federaal iyo dowlad Goboleed ama loo magacaabay xilalka siyaasadeed.
Qoraalkan oo soo baxay horaantii bishan Novermbar 2020 ayaa lagu wargeliyay dhammaan xubnaha shaqaalaha rayidka ee xilalka loo doortay ama loo magacaabay inay lumin doonaan xuquuqdii shaqaalenimo, iyadoo qofka shaqaalaha ah ee isu taagaya u tartamida xil siyaasadeed laga rabo inuu 3 bilood ka hor iska casilo shaqaalenimada.
Guddiga ayaa dalbaday in muddo toddobaad ah lagu soo gudbiyo shaqaalaha dowladda ee ku guuleystay xilalka Golaha wasiirada iyo baarlamaanka Hirshabeelle.

HOOS KA AKHRISO
