Tuesday, July 15, 2025

Guddiga Xuduudaha oo codsi hordhigay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) aya maanta la kulmay xubno ka tirsan Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha ee dhowaan la ansixiyay isla markaana doortay guddoonkooda.

Guddiga Xuduudaha
Guddiga Xuduudaha

Kulankan ayaa la sheegay iin looga hadlay dardar gelinta howlaha Guddiga iyo shaqada laga sugayo, iyadoo ay u  xilsaaran yihiin xadeynta Gobollada dalka iyo xalinta muranka xuduudaha ee maamulada dalka.

Guddigan oo dhismihiisa ay ka horjeedaan maamulada Puntland iyo Jubba ayaan la ogeyn sida uu shaqadiisa u bilaabi karo, waxaana ilaa iyo hadda taagan khilaafaadyo xuduudo oo ay ka mid yihiin:

  1. Puntland iyo Galmudug
  2. Banaadir iyo Koofur Galbeed

Guddiga ayaa u sheegay wasiirka arrimaha gudaha inay diyaar u yihiin inay bilaabaan howsha loo xil saaray balse ay u baahan yihiin inay inay wasaaradu gacan ku siiso, kuna soo wareejiyo wixii kiisas ah ee la isku heysto xuduudaha gobolada. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa u balan qaaday inay wasaaradiisu la shaqeyn doonto guddiga, isagoo aan u cayiman dacwad xuduudeed taagan oo ay hadda wasaaradiisu heyso.

DSC_0528DSC_0533DSC_0555DSC_0585

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON