Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka mida guddiyada heer Qaran ee dhowaan Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay isla markaana la dhaariyay ayaa maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeen kadib kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho oo guddiga fadhi u ah.
Guddiga oo ka kooban 9 xubnood waxaa shirka ku sugnaa 8 ka mida, waxayna guddoomiye u doorteen:
Guddoomiyaha Guddiga waxaa loo doortay: Khaliif C/kariin Maxamed oo helay 7 cod iyo hal xubin oo ka aamustay.
Waxaa guddoomye ku xigeen loo doortay Muuse Waxgarad C/llaahi oo helay 8 cod
Waxa isna xoghaye noqday Liibaan C/llaahi Sahal oo helay 8 cod.
Guddigan oo qaabilsan hirgelinta Federaalka iyo xalinta khilaafaadka xuduudaha ayaa waxaa ka horjeeda qaar ka mida maamulada dalka ka jirta oo ku doodaya inaan lagala tashan dhismihiisa.
Magacyada Guddiga Xuduudaha
1. Muuse Waxgarad C/laahi
2. Liibaan Cali Sahal
3. Maxamed Muxyadiin Sh. Sahal
4. Dr. C/laahi Gacal Cabdi
5. Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim
6. Siciido Xasan Cusmaan
7. Xuseen Xaashi Xasan
8. C/khaaliq C/laahi Xamza
9. Khaliif C/kariin Maxamed
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]