Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa go’aankoodii ugu horeeyay ka soo saaray Derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo soo saaray warsaxaafadeed ka kooban lix qodob iyadoo taageeray go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdikhaaliq Cabdullahi Xamza oo ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo warbaahinta u akhriyay War-saxaafeedka guddiga ayaa sheegay in guddiga uu dowladda Kenya ugu baaqayo in ay dhawrto shuruucda caalamiga ah ee xuduudaha, isla markaana ay dowladda Kenya dhowrto derisnimada labada dal.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA GUDDIGA
Goobjooge.com