Guddiyada Baarlamaanka Somalia iyo ee Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa Qoraal talo soo jeedin ah oo ay soo saareen sharci darro ku tilmaamtay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.
Qoraalka Guddiyadan ayaa ka danbeeyay kulanno ay la yeesheen Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo Guddiyada Joogtada Golaha shacabka u xil saaray arrinta cabashada Ganacsatada.
Guddiyada Baarlamaanka ayaa u muuqda inay la safteen ganacsatada, iyadoo canshuurta Iibka ay ku jirto Miisaaniyadda ay ansixiyeen, isla markaana sharciga canshuurtaasi hore u jiray, waxayna guddiyadani u muuqdaan inay ka horjeedaan qaabka qaadista Canshuurta iibka oo ah farsamo ay xukuumadda u xil saaran tahay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIYADDA