Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Magaalada Muqudisho ku soo kordhiyay arrin la yaab leh kadib markii xaflad caweys ah oo ay tumayeen koox fanaaniin caan si gaaraah hoygiisa ugu sameysteen isaga xaaskiisa, isla markaana ay kala qeyb galeen madax uu casuumay.
Jawaari ayaa habeenkii Jimcaha xaflad xiiso leh oo fanaaniin caan ah oo waaweyn ka tumayeen ku dhigtay gurigiisa Villa Hargeysa, waxaana halkaasi laga qaaday heeso iyo murti kale oo kaliya lagu amaanay Jawaari iyo xaaskiisa, iyadoo halkaasi ay ka dhacday qaraaxo iyo qoob ka ciyaar xiiso lahaa.
Fanaaniinta goobta ka heesay waxaa ka mid ahaa Shimaali Axmed Shimaali iyo Qoomaal oo koox dhan halkaasi geystay, waxaana lagu gaaray xilli dambe iyadoo ay xaflada joogeen wasiiro iyo xildhibaano ah qaraabada Jawaari iyo xubno kale oo fara-ku-tiris ah.
Dadkii xaflada joogay ayaa Goobjooge.com u sheegay inay xiiso leh xafladaasi oo ahayd mid aan munaasabad lahayn oo guddoomiye Jawaari iskiis u aliftay, halka qaar kale ay u arkeen jaam aan habooneyn, laakiin waxaa muuqata in Jawaari jideeyay qaab cusub oo cadaadiska siyaasadda la isaga fududeeyo, waxaana arrintaas oo kale isla markiiba sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada.
Goobjooge.com