Tuesday, July 15, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed oo lagu dhegan yahay & Mooshin laga keenay

Ina ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta ku shiray magaalada Baydhaba

ayaa shaaciyay mooshin ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka ee maamulkaas  C/qaadi Shariif Sheekhunaa oo lagu heysto inuu ku fashilmay xilka uu hayo, isla markaana uu howlgab ka dhigay shaqadii baarlamaanka.

Waxaa saxaafada la hadlay xildhibaano uu ka mid yahay Cabdiqaadir Dhagga-Cadde, Xasan Macalin Yuusuf iyo qaar kale axayna sheegeen in Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed  oo dhisan 8 bilood aanu yeelan wax kalfadhi ah iyo shirar ah midna.

Xildhibaan Xasan Macallin Yuusuf ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku takri falay awoodii uu siiyay Baarlamaanka , isagoo hortaagan in Baarlamaanku shiro, kana hadlo danaha dadkii soo doortay.

Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayay xildhibaanadu ku hanjabeen inay shir qabsan doonaan, xilkana ka qaadi doonaan guddoomiye C/qaadir Shariif.

Guddoomiye C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa saaxiib dhow la ah madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kalsooni badan ku qaba xilkiisa, iyadoo Baarlamaanka K/Galbeed uu yahay kan ugu tiro badan Baarlamaanada maamulada dalka wuxuuna gaarayaa 145.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON