Thursday, June 26, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aan adag ka qaadaya Mooshinka Madaxweynaha & Xasan Sheekh oo digniin bixiyay

Wararkii ugu danbeeyay Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu qarka u saaran yahay inuu qaato go’aan adag oo xaaladda Soomaaliya wax ka bedeli kara, kadib muddo 11 maalmood ah oo uu ku jiray wadatashi iyo feker ku saabsan sidii uu ka yeeli lahaa mooshinka culus ee uu qabtay.

MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA
MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA

Qodobka ugu adag ee sharciga ah oo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) u baahan inuu go’aan ka gaaro ayaa ah halka loo gudbinayo mooshinka si sharciga loo waafajiy qodobada lagu soo eedeeyay Madaxweynaha. Iyadoo aanay hadda jirin maxkamadii Dastuuriga ahayd ee u xil saarneyd arrintan ayaa Prof. Jawaari ka fekerayaa in loo gudbi karo Maxkamadda sare oo uu sii-haye hadda ka yahay Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn uga horjeeda in Maxkamadda sare loo gudbiyo mooshinka, isagoo ku doodaya inaan Ilka-xanaf lagu aamini karin masiirka dowladda Federaalka, wuxuuna si cad ugu sheegay prof. Jawaari hadii uu tallaabadaasi ku dhaqaaqo ay noqon doonto dhammaadkii dowladda Federaalka, isagoo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo aan hore loo arag.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa dhinacooda cadaadis ku saaraya Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu dedejiyo mooshinka oo iska gudbiyo ama horkeeno xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna wadaan olole ay ku doonayaan in loo gudbo tallaabada xigta ee mooshinka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON