Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii socdaal ku tegay Waqooyiga America, waxaana lala sugayay mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha oo laga cabsi qabo inuu halis weyn geliyo Baarlamaanka Federaalka iyo guddoonkooda kadib markii 90 xildhibaan ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Guddoomiye Jawaari ayaa wajaha xaalad kale oo aad ugu adag iyadoo mooshinkani uu yahay mid intiisa badan isaga ku xiran inuu guuleysto ama fashilmo. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jeylani Nuur Iikar ayaa diiday inuu qabto mooshinkaasi maalintii Arbacadii isagoo xildhibaanadii waday u sheegay inay la sugaan guddoomiyaha Baarlamanka.
Muran iyo wadahadal badan kadib ayaa ka sheegay inuu aqbalay Jeylaani markii uu arrinta soo dhex galay Guddoomiye Jawaari oo ka codsaday ku xigeenkiisa Jeylaani inuu qabto Mooshinka, taasoo ka danbeysay wadahadal telefoonka ku dhex maray Jawaari iyo xildhibaanada mooshinka waday.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa ku adkeystay in mooshinkaasi uu meel u dhigay Guddoomiye Jawaari, balse aanu qaadi doonin wax tallaabo ah inta uu dalka ku soo laabanayo Guddoomiye Jawaari, isagoo weliba u caddeeyay xildhibaanada mooshinka waday inaan la oran karin “Waa la qabtay mooshinkaasi”. Murankan ayaa laga sugayaa Jawaari inuu kala furo.
Sida caadada tahay mooshinada noocan ay waxay magaalada Muqdisho geliyaan khalkhal dhinaca siyaasadda ah oo ay barbar socoto dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta iyo shirarka hoteelada oo kordha.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]