Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, isagoo ka hor maray madaxda Soomaalida ee halkaasi la filayo inuu shir uga furmo 20-ka bishan.
Gudoomiye Jawaari iyo wafdigiisa uu horkacayo waxaa garoonka diyaaradha Baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur galbeed Soomaaliya. Waxaana safarka ku wehlinaya xildhibaanoka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ay ka socoto qabanqaabada shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari socdaalkiisa hordhaca ah la xiriiro inuu kulamo hordhac ah la yeesho madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh oo dhinaca ay col ku ahaayeen, laakiin hadda ku midoobay xaaladda kala guurka ee dalku marayo.
Goobjooge.com