Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa war cad kasoo saaray mooshinka uu qabtay 9-kii bishan Disembar ee xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Guddoomiye Mursal ayaa xaqiijiyey inuu sharci yahay mooshinka, isla markaana uu waafajin dooono sharciga dalka u yaalla, isla markaana uu waafaqsan yahay Qodobka 92aad, Faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, iyadoo la horgeyn doono Golaha Shacabka
Arrintan waxay meesha ka saareysaa qoraalladii ay soo kala saareen guddoomiye ku xigeenada iyo xogahayaha Baarlamaanka oo lagu sheegay inuu mooshinku yahay sharci darro iyo inuu jabay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
