Sunday, June 22, 2025

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo ka hor yimid talooyinkii ugu horeeyay ee la siiyay

shyusuf
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf  Xuseen Jimcaale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay intii xilka loo magacaabay xaaladda gobolka Banaadir iyo arrimaha horyaala inuu wax ka qabto.

Kulan guddoomiyaha cusub ay la yeesheen aqoonyahano talooyin siinayay ayaa loo jeediyay inuu wax ka qabto arrimaha ay ka mid yihiin: Barakacayaasha magaalada Muqdisho ku nool, arrimaha ammaanka iyo in ciidamada faraha badan laga saaro magaalada.

Guddoomiyaha aan weli xilka la wareegin ee gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf ayaa rajo xumo ka muujiyay arrimaha talooyinka laga siiyay, wuxuuna sheegay in barakacayaasha aan laga rari karin Muqdisho inta looga helayo meelo kale oo la dejiyo, wuxuu kaloo sheegay in dalku xaalad dagaal ku jiro oo aanay suuragal ahayn in ciidamada la xakameeyo.

Ad

Waxa kaliya oo guddoomiye Sheekh Yuusuf  Jimcaale uu balanqaaday inuu Alle ka cabsi ku dhaqmi doono si mas’uuliyadda saaran uu u fuliyo.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON