Sunday, June 22, 2025

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo soo qortay Taariikh Nololeedkiisa

Ysuuf1

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ee aan weli xilka la wareegin ayaa dib u soo qoray Taariikhdiisa nololeed iyadoo loo sameeyay sawir muuqaal fiican leh, isla markaana taariikh nololeedkiisa loo qeybiyay saxaafadda. Guddoomiyaha ayaa muuqata inuu la baxay  naaneys cusub oo ah Madaale, isagoo hore u lahaa kuwo kale oo uu meel iska dhigay.


HOOS KA KA AKHRI TAARIIKH NOLOLEEDKA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOBOLKA BANAADIR

Ad

Tariikh Nololeedka Guddoomiye Cusub ee Gobolka Banaadir Yusuf Madaale.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa cusub ee magaaladda Muqdisho ayaa dhashay sanadkii 1965, wuxuuna ku magaaladda Muqdisho.

Waxabarashadiisii Hoose iyo Dhexe wuxuu ku soo qaatay Madrasadii Allahida 1980-1985, Dugsiga Sare wuxuu kaga baxay Machadka Albictha Alazhar al sharif eek u yaala magaaladda Cairo ee dalka Masar. Guddoomiye Madaale ayaa warbarashadiisa jamacadeed ku qaatay wadanka Masar sannadahii 2004-2008 , wuxuuna ka qalinjabiyay Jamacadda American Open Univertity ee magaaladda Cairo dalka Masar asaga oo ka bartay daraasaadka Islaamiyah Wal Carabiyah, Sidoo kale wuxuu ka qaatay isla Al-azhar Al-shariif hal sano oo Cilmiga Bulshada.

- Advertisement -

Khibradiisa Shaqo

1986-1991, wuxuu ka shaqaynayay Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryaynta asag oo ka soo qabtay jagooyinka Madaxa Xafiisyada Logistics-ka iyo Wax soo saarka.

1992-1993, wuxuu soo noqday Agaasimaha Waaxda Batroolka ee Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta.

1993-1994, wuxuu noqday Agaasimaha Xafiiska Dagmada Wadajir ee Hy’atu-Al Culyaa.

- Advertisement -

1994-1996, Wuxuu ahaa Agaasimaha Xafiiska Gargaarka ee Hay’adda Muslim World League Laanta Dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

1995-1997, wuxuu ahaa Xoghayaha Hay’adda Slamic Relief Association, Xafiiska Mudisho.

1996-1998, wuxuu Aas aasay Maamulena ka noqday Xarunta Agoonta ee Albirri, Muqdisho.

2004-2010, wuxuu wakiil u noqday Shirkada Daawada Al-mustaqbal, laanteeda Cairo, Masar.

2005-2008, wuxuu noqday Wakiilka Shirkadda Dahabshiil qeybta Ajaanibta ee Cairo, Wadanka Masar.

2008-2013, wuxuu qabtay xilka Gudoomiyahay Xarunta Nabadda iyo Horumarinta Bulshada ee Cairo, Wadanka Masar.

2010-2011 wuxuu noqday Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Masar.

2009-2011, wuxuu xubin ka ahaa Ururka Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Masar. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), intii uu ardayga ka ahaa Dalka Masar, wuxuu caan ku ahaa ka shaqaynta iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda, xoojinta xiriirka Jaaliyadda iyo kan dadka reer Masar, sidookale xoojinta xiriirka Safaaradda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda. Wuxuu aad uga digi jiray dhaqamada aan wanagsanayn oo ay qabyaaladdu ka mid tahay.

2011-2015, Wuxuu ahaa xilka Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbga Nabadda Horumarka (PDP).

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON