Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaamaanta si rasmi xilka ugala wareegay xilka loo magacaabay.
Xafladda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Maxkamadda Gobilka ayay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socoday Wasaaradda Caddaalladda iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxaana xilka wareejiyay guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Racfaanka Guddoomiyihii hore Xasan Maxamed Cali Wariiri.
Saalax Sheekh Ibraahim gudoomiyaha maxkamada Racfaanka oo ka hadlay munaasabadda ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu xilkiisa u gudan doono si hufan oo caddaalad ku dhisan, wuxuuna ka codsaday howlwadeennada maxkamadda inay la shaqeeyaan.
Guddoomiye Saalax Sheekh Ibraahim oo dhowaan xilka loo magcaaabay ahaa ah Aqoonyahan ku takhasusay Garsoorka, wuxuuna shahaadada Bachelor of Law, ka qaatay Jaamacadda International University of Africa ee dalka Suudan, isagoo sidoo kalena Shahaadada Master of Law ka sameeyey isla Jaamacaddaasi International University of Africa ee Suudan.
Goobjooge.com