Guddoomiyaha Degmada Dayniile Axmed Nuur Cali Siyaad ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacday
degmadiisa magaalada Muqdisho, kadib markii gaari uu la socday uu rogmaday.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Dayniile ay la dhaawacmeen 7 askari oo ilaalo u ahayd iyadoo ay dhinteen 2 askari oo kale, Waxaana shilkan uu ka dhacay jidka Jayga ah ee taga xarunta degmadaasi.
Taliyaha Saldhigga Degmada Deyniile Cali Raage ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca soo gaartay Guddoomiyaha iyo ilaaladiis uu dhaliyay shilka.
Xaaladda dhaawaca Guddoomiyaha Degmada Deyniile Axmed Nuur Cali Siyaad ayaa la sheegay inuu yahay mid Fudud, inkastoo qasaare weyn soo gaaray ilaaladiisa.
Goobjooge.com