Guddoomiyaha Degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa markii ugu horeysay a hadlay xabsi lagu eedeeyay inuu sameystay oo ku yaalla degmada Deyniile iyo tacadiyo ka dhacay xabsigaasi.
Wuxuu sheegay in Dhismaha Cusboole uu saldhigga rasmiga ah ee degmada Deyniile, haddana lagu xiro ciidamada degmada ee khaladaadka ka dhaca, ayna been abuur tahay wararka laga fidiyey.
“Xabsigan laguu sheegayo ee dhismaha ah waa saldhigii rasmiga aha ee degmada Deyniile cid agu ciqaabo iyo cid lagu dhibaateeyo ma jirto, waxaana hadda loo isticmaalaa ciidamada degmada khaladaadka ay sameeyaan.. Ciyaalkan ka hadlaaya dhexdooda wax ay dhexdooda isku sameeyeen waaye.. Ninkan Haaraay la yiraahdo ee weriyaha sheeganayo saddex jeer oo la soo xiray dad uu dhibaateeyay ayay ahayd..” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Deyniile oo ka jawaabay jiritaanka xabsi dadka lagu ciqaabo oo ka jira degmadiisa.
Waxaa hore baraha bulshada u qabsaday tacadiyo la sheegay in loo geystay laba nin oo lagu xiray dhisamaha Cusboole, kuwaasoo ku dooday in loo xiray warar ay ku qoreen baraha bulshada.