Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa ka qeyb galaya bannaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.
Bannaanbaxa ay soo abaabuleen maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu taageeray baaqii Madaxweynaha ee ku saabsanaa in magaalada Muqdisho ay metelaad ku yeelato Aqalka Sare ee Baarlamaanka, iyadoo lagu bogaadiyey madaxweynaha inuu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee maqaamka Muqdisho tallaabo u qaada.
Guddoomiye Cumar oo Gaari fusha ka furan dadka kala hadlayey ayaa sheegay inay isugu soo baxeen Isgoyska KM4, iyagoo taageeraya baaqii Madaxweynaha u jeediyey labada Aqal ee Baarlamaaka.
“Madaxweynaha wuxuu labada Gole ka codsaday Gobolka Banaadir metelaadii siyaasadeed inay u ogolaadaan, middaas ayaa keentay bulshada Gobolka Banaadir oo shucuurtoodu sareyso inay maanta isugu soo baxeen fagaarayaasha Gobolka Banaadir..” ayuu yiri Cumar Filish
Wuxuu khudbadiisa ku sheegay in caasimadda ay tahay xaruntii dalka, ayna mudan tahay in Banaadir ay hesho maqaam iyo metelaad u qalanta oo ka ballaaran tan dowlad Goboleedyada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inaysan wax la aqbali karo ahayn muddo 20 sano ah in afka lagu hayo maqaamka Muqdisho, iyadoo aan wax tallaabo ah loo qaadin, wuxuu kaloo sheegay inaysan aqbaleynin metelaad ka hooseyso tan maamul Goboleedyada.
Wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka labadiisa aqal inay aqbalaan codsiga Madaxweynaha, wuxuuna rajeeyay in go’aan farxad leh kasoo bixi doono Baarlamaanka oo si weyn loogu dabaaldeg doono mar kale.
