Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo cambaareeyay ciidamada ka howlgala wadooyinka Muqdisho [DHAGEYSO]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale dhaliilay qaabka ay ciidamada Ammaanka Magaalada Muqdisho

u ilaaliyaan nabadgelyada iyo hab-dhaqanka ciidamada ilaalada ka haya wadooyinka Muqdisho.

Isagoo la hadlayay saraakiisha iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir  ayuu  sheegay in askarta aanay baaritaan fiican marin baabuurta oo ay iska fasaxaan, wuxuuna xaaladda nabadgelyo darro  ee caasimadda dusha ka saaray iyadoo aan shaqadii sugidda ammaanka si fiican loo qabaneynin.

Gobolka Banaadir oo la sheegay in lagu wareejiyay ammaanka caasimadda ayaa u muuqda inaysan weli farahooda ku jirin hay’adaha amniga oo guddoomiyihii gobolka uu sida shacabka dhaliilayo ciidamada ay ahayd inay amarkiisa ku shaqeeyaan.

DHAGEYSO CODKA YUUSUF JIMCAALE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON