Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo ciidamo u diray Beerta Nabadda & xiisad cirka isku shareertay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu ku fulinayo amarkiisii shaqeyn waayay ee ahaa in Beerta nabadda lagu galo lacag la’aan.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamada Booliska iyo kuwa nabadsugidda Gobolka Banaadir loo xilsaaray fulinta amarkii laga soo saaray Beerta Nabadda.

Maamulka Beerta Nabadda ayaa iska diiday amarkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo sheegay inay maxkamad la tiigsanayaan Guddoomiye Taabit, iyadoo shalay dad beerta u tegay inay lacag la’aan ku galaan ay ku hubgoobeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ah nin dhalinyarro ah, isla markaana saaxiib la ah madaxweyne Farmaajo ayaa xaaladda uga sii daray, waxaana muuqata inuu Beerta kaliya ee loo nasiino tago Muqdisho ka dhigayo goob ciidan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON