Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay wado cusub oo la dayac tirayo.
Xaflada dhagaxa dhigga jidka Isgoyska Degmada Kaaraan ayuu guddoomiyihu sheegay inay tahay mid muhiim u ah bulshada GObolka Banaadir, muddo toddobaadyo gudahood ahna lagu saari doono Laami.
Dhismaha Wadadda Kaaraan. ayaa qeyb ka ah dib u dhiska caasimadda iyadoo ay tahay mashruucii ugu horeeyay ee horumarineed oo guddoomiyaha cusub ee Gobolka ku lug yeesho.