Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ayaa bilaabay ololeyaal is daba joog ah iyo waxqabad aan looga baran si uu culeys ugu saaro madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Yuusuf Boorsaani dhaqaale ku siiyay qaar ka mida Idaacadaha Muqdisho inay u sameeyeen iidhehyo is daba joog ah oo lagu baahinayo waxqabadkiisa iyo bogaadin loo jeedinayo hogaankiisa iyadoo la adeegsanay odayaal dhaqameed iyo shaqsiyaad kala duwan oo ku baaqaya in loo dhaafo xilka uu hayo.
Waa tallaabo aan hore loo arag oo siyaasi xil haya doonayo inuu xilka ku sii heyso inuu adeegsado warbaahinta, waxaana ay noqotay arrin cusub oo dadka Muqdisho ay is weydiiyeen.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale ayaa ku mashquulsan furitaanka mashaariic iyo waxqabad aan lagu arkin intii uu xilka hayay, kuwaasoo lagu macneeyay isku day nafle-caarinimo ah, iyadoo la ogyahay in xilka laga qaadi doono muddooyinka soo socda, taasoo ay qasab ka dhigeyso awood qeybsiga beelaha.
GUddoomiye Boorsaani ayaa lagu xusuustaa inuu lacagihii Gobolka Banaadir ku bixiyay doorashadii xildhibaanada labada aqal, isagoo madaxweynihii hore u qaabilsanaa inuu soo saaro xildhibaanada taageersanaa.
Goobjooge.com