Sunday, June 22, 2025

Guddoomiyaha G/Benaadir oo dib u furay taalladii Axmed Gurey ee Muqdisho [Sawirro]

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.

Guddoomiye Thaabit ayaa arrintan ka sheegay xaflad furitaan ah oo loo sameynayay taalladii Axmed Gurey oo ku taalla isgoyska KM4 oo la qabtay habeenkii Arbacada.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay qaabka quruxda badan ee loo dayactiray taalladan, wuxuuna sheegay in mashruucan ay xigi doonaan kuwo la mid ah oo lagu soo nooleynayo astaamihii qaranka.

Ad

Mudane Thaabid ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir ay si buuxda kala shaqeyn doonaan xukuumadda federaalka iyo shacabka Muqdishaba sidii dib loogu soo nooleyn lahaa, loona dayactiri lahaa taallooyinka qaranka iyo goobihii nasashada oo intooda badan ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay.

“Taalladan ma aha oo kaliya goob taariikhi ah ee sidoo kale waa goob istaraatiiji ah oo isku xirta degmooyin badan, kuna xirta garoonka diyaaradaha. Waxaan dooneynaa inaan ololahan sii wadno si aan u soo celino quruxdii ay caasimaddu lahaan jirtay” ayuu yiri guddoomiye Thaabit.

SAWIRRO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON