Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee hoos-taga dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Gareed ayaa si kulul ugu jawaabay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo maanta sheegay inay weerar ku yihiin degmada Beledxaawo, dadkana ugu baaqay inay isaga baxaan.
Guddoomiyaha Gedo ayaa u xaqiijiyey shacabka degmada Baladxaawo in amniga iyo nabadda ay tahay mid ay xaq u leeyihiin, isla markaana aysan dabadhilif ka amar qaato dowlada Kenya waxba u dhimi karin shacabka Beledxaawo iyo Gobolka Gedo sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalin iyo habeen u taagan difaaca dalka, nafa iyo hantida shacabka, isagoo sheegay in kuwa gudaha Kenya fadhiya aysan waxba gacanta ugu jirin oo ay fashilmeen.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo dhowaan loo magacaabay xilka ayaa sheegay in ciidamada la jooga C/rashiid Janan ay maalin kasta kasoo tegayaan, isuna soo dhiibayaan ciidamada dowladda, iyadoo ah gudaha Kenya ku hari doonaan madaxda kooxda fallaagada ah oo uu ku tilmaamay daba-dhilifka Kenya.
