Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay rajo badan ka qabaan in Gobolka Banaadir xubno ku yeeshaan Aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu ogolaado shirka Madasha Qaran ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay inuusan fileyn in laga tago Gobolka Banaadir, haddii ay taasi dhacdana ay jawaab ka bixin doonaan shacabka. “Haddii sidaasi dhacdo waxaa jawaab ka bixin doona shacabka gobolka degan, gobolkan wuxuu leeyahay siyaasiyiin, xildhibaano, wasiiro, odayaal iyo shacab” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegtadii uu ku ansixiyay Heshiiska Doorashada ku sheegay in arrinta Gobolka Banaadir lagu xalin doono shirka Madasha.
DHAGEYSO
Goobjooge.com