Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo diiday amar uga yimid Hanti dhowrka Guud ee Qaranka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hor yimid amar uga yimid Hanti dhowrka guud ee Qaranka Axmed oo ku saabsanaa in la joojiyo canshuurta Guryaha Muqdisho laga qaado.

Guddoomiye Yuusuf Jimcaale oo xalay ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in canshuurta laga qaadayo Guryaha Muqdisho ay ka soo xarootay lacag dhan $400,000, wuxuuna intaas ku daray in lacagtaasi lagu dhisi doono jidka Wadnaha ee magaalada Muqdisho isagoo aan soo hadal qaadin amarkii hanti dhowrka ee ahaa in degdeg loo joojiyo canshuurtaasi [DHAGEYSO HANTI DHOWRKA GUUD: CANSHUURTA LAGA QAADAYO GURYAHA MUQDISHO WAA SHARCI DARRO]

Warbixin ay dhowaan shabakaddan Goobjooge.com ka qortay canshuurta laga qaado guryaha Muqdisho ayaa sheegeysa in shirkad gaara qandaraas lagu siiyay oo 49% kharashka canshuurta ay qaadato iyadoo aan la taaban karo qabanin; [AKHRI WARBIXINTA].

Gobolka Banaadir ayaa canshuur kala duwan ka qaada dadka Muqdisho oo qaarkeed ay qasab tahay, kuwo kalena ay tabarucaad yihiin, waxayna dad badan isweydiinayaan sharcinimada canshuuraha dadka laga qaado oo degmo waliba boonooyin gaara ku qaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON